Khayraadka Electrify Everything Minnesota ee af-Soomali

Electrify Everything Minnesota waxay ka caawisa dadka ku hadla af Soomaliga inay koronto ku shaqaysiiyaan guryahooda. Baro wax badan oo ku saabsan barnaamijkeenna, akhri hagayaashayada, sidoo kalena baro sida aad boggayagu ugu turjumi karto af Soomaali adigoo adeegsanaya turjumaadda biraawsarkaaga.

A home with solar panels installed on the roof

Markaad ka wareegto qalabka gaaska ee ku wareegto koronto, waxaad beddeshaa qalabka iyo agabka ku shaqeeya gaaska dabiiciga ah adigoo ku beddelaya kuwo koronto ku shaqeeya oo waxtar badan leh.Weligii ma jirin waqti ka wanaagsan oo dadka deggan Minnesota ay ugu wareegi karaan koronto. Shabakadda korontada ee gobolka ayaa sii nadiifaysa iyadoo la adeegsanayo tamar dib loo cusboonaysiin karo oo badan, halka warshadaha dhuxusha lagu shaqeeyo ay si tartiib tartiib ah u xirmayaan. Isla waqtigaas, tiknoolajiyada ku shaqeeya korontadu si degdeg ah ayay u horumarayaan. Taasi waxay ka dhigaysaa koronto-u-wareegiddu hab wax ku ool ah oo lagu yareeyo raadadka kaarboonka gurigaaga iyadoo sidoo kale ka dhigaysa gurigaaga mid caafimaad badan oo raaxo badan.

Tiknoolajiyada

Mashaariicda ugu badan ee koronto u wareegidda guryaha waxaa ka mid ah qalabka dharka lagu qalajiyo, karinta cuntada, nidaamyada kuleylinta guriga, iyo kuleyliyeyaasha biyaha. Ujeeddooyinkaaga ayaa kaa caawin kara inaad go'aansato tiknoolajiyada aad marka hore u wareegayso koronto, balse weli waxaa jira go'aanno badan oo la gaari doono si loo ogaado tiknoolajiyada ugu habboon gurigaaga iyo hab nololeedkaaga.

Tiknoolajiyada (Af Ingiriis)

Hagaajinta Tamarta Guriga

Hagaajinta tamarta gurigu waxay ka dhigtaa koronto-u-wareegidda mid sahlan oo waxtar badan iyadoo yaraynaysa kulaylka ka baxaya guriga. Marka kulaylku yaraado, waxaad ku raaxaysan doontaa kaydinta tamarta iyo heerkul deggan oo joogto ah. Waxaa kale oo laga yaabaa inaad aragto hoos u dhac ku yimaada biilasha adeegyada tamarta. Haddii aad qorshaynayso inaad koronto u wareegto, waxaan kugula talinaynaa inaad ku bilowdo hagaajinta tamarta guriga.

Hagaajinta Tamarta Guriga (Af Ingiriis)

La hadal la taliye

Hel talo iyo caawimaad ku saabsan isticmaalka qalabka korontada ee gurigaaga. Kooxdayadu waxay kaa caawin kartaa inaad fahanto fursadaha kuu bannaan, hormareynta mashaariicdaada, qandaraasle iyo kaalmo dhaqaale. Buuxi foomka si aad iimayl noogu soo dirto (waxaad u baahan doontaa inaad browser ka internetka aad isticmaasho si aad u turjunto), ama soowac 612-268-4048 si aad ula hadasho lataliye ku hadla af Soomali.

La hadal la taliye

Raadi qandaraasle

Marka aad diyaar u tahay inaad gurigaaga  ku isticmaasho qalab koronto ku shaqeeya, waxaad u baahan doontaa qandaraasle. Waxaa jira dhowr hab oo aad ku heli karto qandaraaslayaal lagu kalsoonaan karo, kuwaas oo shaqadoodu ka caawin karto inaad hesho lacag celin mashaariicdaada.

Raadi Qandaraasle

Dhiirrigelinnada maaliyadeed

U wareejinta gurigaaga qalabka korontada ku shaqeeya waa hawl weyn. Ma aha oo kaliya inay u baahan tahay qorsheyn iyo waqti ku filan, balse kharashka bilowga ah ee hagaajinta iyo cusboonaysiinta qalabka ayaa noqon kara mid sareeya. Nasiib wanaag, waxaa jira agab iyo taageerooyin la heli karo oo ka caawinaya in isbeddelkan uu noqdo mid la awoodi karo. Shirkadaha adeegyada tamarta, dawladaha hoose, Gobolka Minnesota, iyo dowladda federaalku dhammaantood waxay bixiyaan dhiirrigelinno maaliyadeed oo loogu talagalay mashaariicda koronto-u-wareegidda.

Dhiirrigelinnada Maaliyadeed (Af Ingiriis)

Ku Akhri Boggeenna Af-Soomaali

Waxaad isticmaali kartaa Google Chrome si aad u turjunto bogagga internetka.

  1. Kombiyuutarkaaga ka fur Chrome.
  2. Tag bogga aad rabto inaad turjunto.
  3. Dhinaca midig ee ciwaanka (address bar), guji astaanta Turjun (Translate).
    • Ama guji bogga meel madhan adigoo isticmaalaya badhanka midig (right‑click), kadibna dooro 'Translate to [Luqadda]'.
  4. Dooro luqadda aad rabto.
    • Haddii turjumaaddu shaqayn waydo, dib u cusboonaysii (Refresh) bogga.

Waxaad sidoo kale bog ku turjumi kartaa adigoo:

  1. Taga translate.google.com
  2. Kadibna dooranaya Websites.

Haddii bogga internetka loo tarjumi mid ka mid ah luqadaha aad doorbiday, Safari ayaa kuu turjumi kara.

  1. Fur Safari kombiyuutarkaaga ee Mac.
  2. Fur bogga internetka ee aad rabto inaad tarjunto.
    • Haddii bogga la turjumi karo, meeshaan kuqorantahay Raadinta casriga ah wuxuu  muujin doona badhanka tarjumaadda.
  3. Guji badhanka turjumaadda, dabadeed dooro luqadda aad rabto.
    • Haddii aad u malaynayso in turjumaaddu u baahan tahay hagaajin, guji badhanka tarjumaadda, ka dibna dooro Report Translation issue (soo sheeg dhibaatada). Tuarjumaadda waxaa  loo diri doonaa Apple si ay dib ugu eegto.

Markaad ku darto luqad liiska luqadaha aad doorbiday, haddii tarjumaad loogu heli karo luqaddaas, waxay ka soo muuqan doontaa liiska tarjumaadda ee Safari. Fiiro gaar ah: helitaanka tarjumaadaha iyo tirada luqadaha la tarjumi karo way ku kala duwanaan karan waddan ama gobol. 

Microsoft Edge wuxuu kuu oggolaanayaa inaad internetka ku isticmaasho luqadda aad rabto. Waxaad si fudud ugu dari kartaa luqado badan, u maamuli kartaa luqadaha aad rabto, isla markaana u habayn kartaa Microsoft Edge siu uu kuugu shaqeeyo sida aad rabto. Nooca cusub ee Microsoft Edge wuxuu si caadi ah u isticmaalaa  isla luqadda uu kombiyuutarkaagu isticmaalo.

Sida luqadda loo beddelo:

  1. Tag “setting and more” dabadeed dooro dejimaha Settings.
  2. Ka dooro luuqadaha Meesha kutaalo “Languages” menuga Settingka.
  3. Si aad luqad ugu darto liiska luuqadaha aad rabto, dooro “add languages” si aad luqad ugu darto.
  4. Marka luqadda lagu daro, guji Moresaddexda dhibcood ee ku xiga luqaddaas, dabadeed dooro ku muuji Microsoft Edge luqaddan.